2002 illaa 2007-dii ruwaayadihii ka bixi jirey muuqaal-baahiyihii Raadyo Jabbuuti ayaan daawan jirey aniga oo dugsiga hoose dhigta. Ruwaayado aad u qiimo badan ayay ahaayeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen; Jacayl iyo Been Heshiiyey, Waxa Raanta loo feedhayaa waa Rag, Caashaqu in uu jiro, Juxe yaa ka dhaadhicin iyo qaar kale. Ruwaayadahaasi dadkii daawadey waxa ay ku reebeen xasuus aan xiskooda ka bixin.
Muddo kadib ayaan bartey in uu ruwaayadahaasi kuwoodii ugu caansanaa curinteeda lahaa. Aniga oo yar ayaan bartey oo aan ku kacaamay suugaantiisa.
2020-kii ayaan isku dayay inaan maqaal kooban ka qoro suugaantiisa iyo waxsoosaarkiisii faneed, xilligaasi oo ku beegnayd sannadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtey geeridiisii. Markii uu maqaalkaasi baahay, suugaantiisu waxay ka mid noqotey nolol-maalmeedkayga oo maalinkasta gabay, maanso amma ruwaayad uu allifey ayaan dhex quusi jirey. Abwaanka aan tilmaamayaa waa cabqarigii weynaa, Abwaan Axmed Siciid Diiriye ‘Afgudhiye‘ , Eebbe jannooyinkiisa barwaaqada leh ha ku sooro e.
Waxa aan qoraalka buuggani bilaabay dhammaadkii 2020-kii. Waxa uuna shaqadii u dambaysay ee daabacadda uu galay bishii November 2024. Muddadaa afarta sanno ah waxa aan aniga iyo buugguba isla soo marnay duruufo iyo marxalado kala duwan. Magaalooyin kala duwanna waan soo wada marnay intii aan ku jirey ururinta suugaanta kala duwan ee Abwaanka.
Waxa nasiibwanaag noo noqotey in aanu helnay buug lagu ururiyey kala badh maansooyinkiisa, markaasi oo uu ku sugnaa dalka Jabbuuti. Waana sababta nagu dhiirigalisay in buuggani uu qabyo tirmo, isla markaasina aan soo saarno.
Diwaanka waxa aan ugu wanqalnay isla naanaysta Abwaanka ‘AFGUDHIYE’, kaasi oo koobsanaaya nuxurka iyo farriinta suugaantiisa. Diwaankan Afgudhiye waxa lagu kaydiyey maansooyinkii iyo ruwaayadihii ugu badnaa ee Abwaanku allifey. Waxa ku urursan 33 tixood oo laba cutub u kala qaybsan.
Maansooyinkaasi tirada badan waa kuwo gudo fidsan, xeeldheer, aragti fog, farshaxannimo iyo aqoonna xambaarsan. Suugaanta Abwaanku waa mid ka dabqaadata falsafad, dareen, aqoon, halgan, waayo-aragnimo siyaasad iyo shucuur waddaniyadeed.
Wixii aan isla soo marnayba, suugaantii abwaanku, AUN e, maanta waa dhigaal kaydsan. Dhawaanna waynu soo bandhigi doonnaa. Wax uun bay hawshaa aan qaatayna ahayd in la helo suugaantiisii oo dhigan. Haddii intaa la hayo maanta, waxa dhiman hawshii u waynayd:
Buuggan iyo dhammaan buugtii ka horraysay ee lagu keydiyay suugaantii abwaanada soomaalida ee sannadadii u dambeeyay soo baxayay, waa uun kayd, suugaantii oo caydhiin baa ku qoran, hawsha u wayn ee indheergaradka soomaalida iyo aqoonyahankaba u taallaa waa furfuridda suugaantaa, iyo naqdinteeda. Dhammaan suugaanta la kaydiyay waa ku xujo aqoonyahanka, dhallinyarada, iyo indheergaratada soomaalida.
Alle ha u naxariisto Abwaan n Axmed Siciid Diiriye ‘Afgudhiye